U bood dhigaalka

Puntland: Dad Ku Dhintay Dagaal Ka Dhashay Ceel-biyood

Sheeko:Dalka, War

Dagaal khasaare geystay ayaa ka dhacay deegaanka Dhuudo ee Puntland, dagaalkan ayaa waxaa uu u dhaxeeyay beelo halkaasi dega kuwaasi oo isku qabsaday Ceel-biyood.

Inta la xaqiijiyey dagaalkan waxaa ku dhintay 4 qof, halka ay ku dhaawacmeen 4 qof oo kale, dadka dhaawacmay ayaa waxaa loo kala qaaday Garoowe iyo Boosaaso.

Guddoomiyaha degmada Rako Raaxo  Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Saalax oo la hadlay Goobjoog News ayaa faafaahin ka bixiyey khasaaraha dagaalkan waxaa uuna yiri “Dadka dhintay waa afar qof dhaawacana sidoo kale waa afar deegaankana waxaa ka jira abaaro badan dadka waxaa ay saarnaayeen gaari wadada ayaa loo galay, waxaana deegaanka ka jira colaado soo jiray “.

Inta badan deegaannada baadiyaha ayaa waxaa ku soo laa-laabta dagaallo beeleed kuwaasi oo ka dhasha aanooyin hore iyo dhul daaqsimeedka oo la isku qabsado.

Goobjoog News