U bood dhigaalka

Puntland: Dad Lagu Eedeeyey Faafinta Cudurka HIV AIDS Oo La Qabtey

Sheeko:Caafimaadka

Hay’adda la dagaalanka Cudurka HIV Aids-ka ee Puntland ayaa shaaca ka qaaddey maanta oo Sabti ah in ciidamada ammaanka ee Puntland ay gacanta ku dhigeen dad faafinayey cudurka HIV AIDS.

Agaasimaha hay’addan Dr.Cabdi raxmaan Saciid Dhagaweyne oo warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa sheegay in la qabtay Labo qof oo midi umar tahay, islamarkaana ay cudurka ku talaalayeen dad hor leh.

Waxa uu sheegay agaasimaha in Haweeneyda ay cudurkaasi ku talaashay Saddex qof rag ah oo ay guursatay, islamarkaana Labadan qof cadaaladda la horkeeni doono waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhagaweyne ayaa sheegay Labadan qof in saxaafadda la horkeeni doono,  islamarkaana maxkamad ay saari doonaan, laguna xukumayo waxa uu sharciga ka qabo, si aysan u dhicin dad kale oo cudurkaasi qaba iney ku dhiiradaan in dad kale kusii faafiyaan.

Ugu dambeyn agaasimaha hay’adda la dagaalanka cudurka HIV AIDS ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan deegaannada Puntland iney ka taxadaraan qaadista cudurkan, islamarkaana ay baaritaan ku sameeyaan cid walbo oo ay guursanayaan.

Goobjoog News