U bood dhigaalka

Puntland: Doorashada Aqalka Hoose Oo Maanta Dib u Bilaabaneysa

Sheeko:Dalka

Maanta oo Sabti ah waxaa lagu wadaa in magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ay dib uga bilaabato doorashada xildhibaannada aqalka hoose.

Maamulka Puntland ayaa 28-kii November hakad geliyey doorashada dadban ee aqalka hoose kadib markii cabasho ay ka muujiyeen kuraasta gobollada Sool iyo Sanaag oo dhanka Somaliland jira.

Xarunta Jaamacadda PSU ee Garoowe ayeey ka dhici doontaa doorashada aqalka hoose ee Heer Puntland, waxaana la dooran doonaa dhowr kursi.

Beelaha dega Puntland waxaa xildhibaannada aqalka hoose kaga soo aadey 37 mudane, waxayna horey  u doorteen 22 mudane.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News