U bood dhigaalka

Puntland “Doorashadii Cadaado Villa Soomaaliya Ayaa Laga Soo Abaabulay ”

Sheeko:Dalka

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocade ayaa sheegay in maamulkooda uusan aqoonsaneen doorashadii shalay ka dhacday magaalada Cadaado, waxaana ay ku sheegeen mid lasoo dhoob dhoobay.

Waxa uu sheegay in ay u arkaan shirkii Cadaado mid ay dowladda Federaalka soo abaabushay, islamarkaana la doonayo in colaad lagu abuuro waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Shir in Cadaado lagu qabtay baryahaan waan maqlayay, dad baa ku kulmayay, dadkaa waxaa laga soo abaabulay Villa Soomaaliya, waa shir la doonayo in Colaad lagu huriyo oo la isku diro dadka dagan Gobolada Dhexe’’ ayuu yiri Wasiirka.

Sidoo kale wasiirka ayaa soo hadal qaaday arrinta ku aadan hadal shalay kasoo yeeray madaxweynaha cusub ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ah in uu wada hadal la furi doono Puntland, waxaana wasiir Soocade uu sheegay in aysan aqoonsaneen maamul Galmudug ah.

“Anaga mansab aan ku wada hadalno maba garaneyno Guuleed, waxaan idiin sheegaynaa in Puntland ay tahay dowlad jirta oo caalamka aqoonsan yahay, waxa aynu la hadalnaa waa dowlad oo kaliya” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay wasiirka warfaafinta Puntland.

Puntland ayaa kasoo horjeeda maamulka Galmudug oo shalay xildhibaanadiisa ay doorteen madaxweyne iyo ku xigeenkiisa, waxaana ay horay u diideen Dastuurka maamulkaasi oo ay ku qoran tahay in xuduuda Galmudug tahay gobalka Nugaal.

Goobjoog News