U bood dhigaalka

Puntland: Dowladda Federaalka Kaligeed Go’aan Kama Gaari Karto Hawada Soomaaaliya

Sheeko:Dalka

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland C/xakiin C/laahi Cumar Camey ayaa faah faahin ka bixiyey sababta garoomada uu ka taliyo maamulkooda uga soo degeen diyaarado Qaad ka keenay Kenya, maadaama dowladda ay hakisay Qaadka Kenya.

Wuxuu sheegay in dowladda Federaalka ay ku degdegtay go’aankaasi, islaamarkaana laga doonayey in maamullada oo dhan ku wargeliso una sheegto sababta Qaadka loo joojiyey.

“Dowladda Federaalka kaligeed go’aan kama gaari karto hawada Soomaaliya, sababtoo ah waa Federaal, waxay ahayd in arintaan ay nala wadaagto, waayo waa arrin masiiri ah una baahan in meello badan laga eego” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka.

Sidoo kale Injineer Camey ayaa sheegay in maamulkooda aanu ka madaxbannaaneyn dowladda Federaalka, balse wax walbo ay ku haboon yihiin wada tashi iyo is faham.

“Annaga waxaan caddeynaynaa inaan ka mid nahay dowladda Federaalka Soomaaliya, kana mid ahaan doonno, laakiinse go’aammada masiiriga ah waa kuwo wadatashi u baahan”

Deegaannada maamulka Puntland waxaa shalay kasoo degay diyaarado Qaad ka keenay dalka Kenya kadib markii maalin kahor dowladda Federaalka ay sheegtay inay hakisay diyaaradaha Qaadka ka keenayey Kenya.

Goobjoog News