U bood dhigaalka

Puntland: Duqeymihii Ka Dhacay Bari Waxaa Ku Dhintay Maleeshiyaad Badan Oo Daacish Ah

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa markii ugu horreysay ka hadlay duqeyn ay diyaaradaha Mareykanka ka fuliyeen gobolka Bari, lalana eegtay dagaalyahanno ka tirsan Daacishta Soomaaliya.

Wasiirka amniga iyo hub ka dhigista Puntland, Axmed C/laahi Yuusuf oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in duqeymahaasi lagu diley ku dhowaad 40 ka tirsan Daacish.

“Arrintaasi waa ay jirtay waana cadowga Labada buurood ku jira, sidaan wararka ku hayno waa in ka badan 40 askar ah ayaa lagu diley, laakiin markii ay wax dhacaan muddo ayeey qaadataa in wixii xaqiiqada ah si sax ah loo helo”

Wasiirka ayaa howlgalladan ku tilmaamay kuwo lagu baacsanayo Daacish iyo Al-shabaab, iskana kaashanayaan ciidamadooda iyo kuwa Maraykanka.

“Wey jirtay duqeymo is xigxigey oo ciidamada Maraykanka sameeyeen, ciidamadeena oo iskaashi la sameynayana halkaasi waa ay tageen, laakiinse weli wararka waxay sheegayaan in ninkii hoggaaminayey uu buuraha ku jiro”

Ugu dambeyn wasiir Axmed ayaa sheegay in maamulkooda ay ka go’an tahay iney soo afjaraan dagaalyahannada Daacish ee ku sugan buuraha Galgala.

Goobjoog News