U bood dhigaalka

Puntland: Gaalkacyo Waxaan Kula Dagaalney Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug uu u dhaxeeyay iyaga iyo Xarakada Al-shabaab.

Afhayeenka maamulkaasi C/llaahi Quraan Jecel oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada Xarakada Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen ciidanka Puntland ee Gaalkacyo waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu tilmaamay iney doonayeen ragga weerarka soo qaadey iney ka aargoostaan saraakiil uu sheegay in dhowaan looga dilay deegaan ku yaalla duleedka Gaalkacyo.

“Puntland lama dagaallamin Galmudug ee Al-shabaab bay la dagaallantay, waxaa weerar inagu soo qaadey nabad diidka, waan iska difaacnay, khasaarana weynu soo gaarsiinney, waxaan idiin sheegayaa in Al-shabaab ay doonayeen iney u aargudaan saraakiishii dhowaan looga dilay Mudug” ayuu yiri Afhayeenka.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in mar walbo ay diyaar u yihiin ka jawaabista weeraro kaga yimaada Xarakada Al-shabaab.

Dagaal u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Galmudug ayaa shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana dagaalladaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Goobjoog News