U bood dhigaalka

Puntland: Gaas Oo Golihiisa Wasiirrada Kula Shiray Gobolka Sanaag

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa markii ugu horaysay  waxaa uu maanta shirka golaha wasiirrada ku qabtay degmada Badhan ee gobolka Sanaag.

Shirkan oo saacado socday,  waxaa la sheegayaa in lagu ansixiyey xeerka ganacsiga ee dowladda Puntland oo ay wasaarada ganacsiga dowladda goboleedka Puntland soo hor dhigtay golaha wasiirrada Puntland.

Madaxweyne Gaas, inta uu halkaasi joogay waxaa uu soo kormeeray xarumaha dowladda ee degmada iyo goobta ay ka socoto wajiga 2aad ee dhismaha wadada Ceel-Daahir iyo Ceerigaabo.

Sanaag waxaa ay ka mid yahay gobollada ay isku heystaan Puntland iyo Somaliland, labada dhinac ayaa weli isku hor fadhiya Tukaraq oo ka tirsan Sool.

Goobjoog News