U bood dhigaalka

Puntland: Gaas Oo Raali geliyey Koonfur Galbeed

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa raali gelin ka bixiyey khudbad uu sheegay inuu uga hadlayey Al-shabaab iyo deegaanno uu soo hadal qaaday.

War Saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland waxaa ka mid ahaa “Dowladda Puntland waxaa ay u sheegeysaa shacab weynaha koonfur galbeed in Puntland iyo koonfur galbeed ay isku mid yihiin, kana mideysan yihiin ladagaalanka cadawaga Al-shabaab, isla markaana hadalka madaxweynaha uu quseeyey cadawga Puntland iyo koonfur galbeed ee Al-shabaab oo keliya.

C/weli Gaas oo maalmo ka hor ka hadlayay magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag ayaa yiri “Wiil ka yimid Xudur, Diinsoor iyo Buurhakaba, oo kaba dacas ah qaba inuu inta idiin yimaado nagu xukumo dalkayagii, suurtagal ma ahan, caqlina ma ahan,

Halkan hoose ka akhriso, qoraalka oo dhameystiran.

Mawduucyada:Gobollada