U bood dhigaalka

Puntland: Guddoomiyaha Cusub Ee Sool Oo Sheegay In Isbedallo Ka Hirgelinayo Gobolkaasi

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha cusub gobolka Soo lee Puntland Abukar Cabdi Geelle ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu ku sheegay in shaqada ugu horreysa ee uu gobolkaasi ka qabanayo tahay isbedallo dhanka maamulka ah oo uu keeno iyo inuu ka shaqeeyo sidii Somaliland looga saari lahaa gobolkaasi.

Waxa uu tilmaamay in uu hadda ku shaqeyn doono deegaano ka mid ah gobolkaasi oo aanay joogin Somaliland, isaga oo rajo ka muujiyey in muddo kooban gudaheed uu maamulkiisa kula wareego gobolka Sool.

Dhanka kale. Guddoomiye Geelle ayaa mar uu ka hadlay dagaallada Puntland iyo Somaliland ayaa sheegay in kaalin mug leh uu ka qaadan doono dagaalladan oo ay Somaliland kala wareegi doonaan.

Abuubakar Cabdi Geelle oo kamid ah dhallinyarada magaalada Laascaanood ayaa todobaadkani digreeto ka soo baxday xafiiska madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas waxaa loogu magacaabay inuu noqdo guddoomiyaha gobolka Sool.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News