U bood dhigaalka

Puntland: Imtixaanka Shaadiga Oo Waqtigiisii Laga Soo Horumariyey

Sheeko:Dalka

Wasiirka Waxbarashada Puntland Abshir Aw-Jaamac Yusuf iyo ku xigeenkiisa Dr. Maxamed Cali Faarax oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda ee magaalada Garowe ayaa ku dhawaaqay in Imtixaanka shahaadiga ah ee  Puntland laga soo hormariyay waqtigii horey loo qorsheeyay bisha Soon darteed.

Wasiir Abshir Aw-Jaamaca ayaa ugu horreyn ka hadlay sababta keentay in Imtixaanka wakhtigiisii laga soo hormariyo:

“Wasaaraddu marka ay aragtay xaaladda Magaalooyinka xeebaha ah ee Badda Cas oo aan aragnay arday tiradoodu ay aad u badan tahay ay galayaan imtixaanka shahaadiga ah ee sanadakan, isla markaana ay latashiyo la yeelatay maamulka Wasaaradda Waxbarashada iskuulladeeda xeebaha ku yaalla, gaar ahaan magaalada Boosaaso, waxaa la go’aamiyay imtixaanka oo qorshihiisu ahaa in la qaado bisha Shanaad 19-aad, 2018. Ramadaankuna uu soo galaayo bishaa 17-keeda, waxaa lasoo hormariyay imtixaanku inuu bilowdo bisha Shanaad 12, 2018, maalinta Sabtida ah si imtixaanku u dhammaado Bisha Shanaad 17-keeda oo ah maalinta uu soo galayo Ramadaanka.”

Waxa uu sidoo kale ka hadlay xilliga imtixaanka naqliga ah oo sida badan ka horreeya kan shahaadiga ah, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

“In imtixaanka naqliga ah la qaado Bisha Afaraad 28-keeda 2018 ugu dambeyn, uuna dhammaado bisha Shanaad Saddexdeeda, 2018. Isla markaana loo diyaargaroobo Imtixaanka Shahaadiga ah. Waxaa iskuullaadka dhammaantood lagu adkeynayaa in jadwalkaasi lasoo dhajiyay iskuul weliba uu ku dhaqmo.”

Wasiirka Waxbarashada waxa uu ka hadlay xilliga sanad-dugsiyeedka 2018/2019 bilaabanayo, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

“Sanad dugsiyeedka 2018/2019 waxa uu furmi doonaa bisha Sideedaad 3-deeda 2018, dhammaan dalka oo dhan marka lagu daro magaalda Boosaaso. Waxaa la farayaa maamulka iyo guddiyada waalidiinta, in wakhtigaa la ilaasho iyadoo laga duulayo in manhajka la dhameystiro, sidii loogu talaggalay ardayduna ay ku hesho wakhti ku filan.”

horumarinta imtixaanka Shahaadiga ah ee ku salaysan bisha Barakaysan ee Ramadaan ayaan la ogeyn in Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tallaabada Puntland ku dayan doonaan iyo in kale.

Goobjoog News