U bood dhigaalka

Puntland: Imtixaankii Shahaadiga Oo Maanta Bilaabanaya

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta si rasmi ah uga bilaabanaya deegaannada kala duwan ee Puntland imtixaankii shahaadiga ee dugsiga Dhaxe iyo Sare.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland oo Fariin u diray Godoomiyeyaasha Waxbarashada Gobolada Degmooyinka iyo laamaha Amniga Puntland.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Maxammed Cali Faarax (Farmayeeri) oo shir jaraa’id ku qabtay Maalintii khamiista magaaalada Garoowe ayaa sheegay, in maalinta sabtida ah ee soo socota[Maanta] si rasmi ah loo daahfurayo, Imtixaanka Shahaadiga ah guud ahaan degaannada Puntland.

Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale sheegay in maalinta sabtida la shaacin doono, warbixin faahfaahsan oo ka hadlaysa, dhammaan arrimaha ku saabsan imtixaanka, sida tirada ardayda gelaysa, meelaha ay kala joogan iyo xarumaha loo qorsheeyay in lagu galo.

Maxammed Cali Faarax ayaa ugu dambeyntii farriin u diray, dhammaan dugsiyada waxbarashada, mas’uuliyiinta degmooyinka iyo hay’adaha amniga oo uu ka codsaday in ay la shaqeeyaan macallimiinta loo igmaday socod siinta hawlaha imtixaanka.