U bood dhigaalka

Puntland: Injineer Cumar Dheere Waxaa Dilay Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maamulka Mudug ee Puntland ayaa sheegay in Xarakada Al-shabaab ay ka dambeysay dil habeenkii xalay ahaa magaalada Gaalkacyo loogu geystay Ganacsade Cumar Dheere.

Axmed Muuse Nuur oo ah guddoomiye ku xigeenka gobolka Mudug ee Puntaland ayaa isaga uu u waramay Goobjoog News waxa uu sheegay in ay hayaan xogta ah dilkaasi inay ka dambeeyaan Al-shabaab.

“Nimankaan Argagaxisada ah ee Al-shabaab ayaa dilay Injineer Cumar Dheere, waxaan ku ogaannay markaan aragnay qaabka ay wax u dileen, illaa hadda ma jirto cid aan gacanta ku hayno oo dilkaasi la xiriirinayno” ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka.

Axmed Muuse ayaa sheegay in maalmihii ugu dambeeyay uu ganacsadaha la dilay helayey fariimo hanjabaad ah oo kaga imaanayey Xarakada Al-shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye.

Rag ku hubeysan Bistoolado ayaa habeenkii xalay ahaa waxay xaafadda Israaca ee magaalada Gaalkacyo ku dileen Injineer Cumar Dheere oo ahaa maareeyaha Shirkadda Somtelka Gaalkacyo.

Goobjoog News