U bood dhigaalka

Puntland iyo Culumada Maamulkaasi Oo Kawada Hadlay Sidii Looga Hortagi Lahaa Xanuunka Coronavirus

Sheeko:Dalka

Wasiirka cadaaladda dowlad goboleedka puntland Cawil Sheekh Xaamud ayaa waxa uu kullan magaalada Garowe kula qaatay culuma awdiinka Puntland iyaga oo kawada hadlay sidii looga hortagi lahaa xanuunka Coronavirus.

Cawil Sheekh Xaamud ayaa sheegay in culumada deegaanada Puntland ay isla garteen in ay sii furnaadaan masaajidda balse la xiro gabi ahaanba goobaha looga weysqaato masaajidda islamarkaana qof waliba uu gurigiisa ka soo weysqaato si looga hortaggo in uu faafo cudurkan Covid19.

Sidoo kale wasiirka ayaa tibaaxay in la isla gartay in dhamaan la joojiyo daruusta laga akhrinayay guud ahaan masaajidda maamulka Puntland, sababtana waxa ay ku sheegeen in ay tahay taxadar islamarkaana masaajidda caalamka ay intooda badan xiranyihiin.

Dhanka kale culumada Puntland ayaa waxa ay ka dhawaajiyeen in ay ka dhabeen doonaan qodabadii ay isla qaateen iyaga iyo maamulkooda, waxa ayna shacabka ugu baaqeen in ay sameeyaan taxadar islamarkaana ay Alle tala saartaan.

Deegaanada Puntland ayaa horey waxaa looga dhawaaqay in la fasaxay goobaha waxbarashada iyo sidoo kale qeybo ka mid ah xafiisyada maamulkaasi si looga baaqsado faafida xanuunka Coronavirus oo kiiskii ugu horeeyay laga helay magaalada Muqdisho.

Goobjoog News