U bood dhigaalka

Puntland Iyo Galmudug Oo Ka Wada Shaqeynaya Nabadda Gobolka Mudug

Sheeko:Dalka

Maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa sheegay in si wadajir ah ay uga wada shaqeyn doonaan sidii loo nabadeyn lahaa deegaannada gobolka Mudug.

Madaxweyne ku xigeennada maamulladan ayaa kulan ay uga qeybgaleen Gaalkacyo waxay sheegeen in ammaanka Mudug uu yahay mid aad u muhiim ah, diyaarna u yihiin iney nabadda ka shaqeeyaan.

Maxamed Xaashi Cabdi, madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sheegay in maamulkooda ay ka go’an tahay sidii ay u mideyn lahaayeen shacabka Mudug.

“Waxaa inaga go’an inaan walaaleyno reer Mudug, in la ogaado wax walbo oo dhib ah oo jira, in laga wada hadlo waxa dhibka keenay, annaga ka maamul ahaan diyaar baan u nahay ka shaqeynta nabadda Mudug” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Dhanka kale, madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar oo isna hadlay wuxuu sheegay in hadda uu aad u wanaagsan yahay xiriirka kala dhaxeeya Galmudug, wuxuuna tilmaamay in hadda guul laga gaaray arrimaha Mudug.

“Maalmihii wadahadallada bilaabanayeen xaaladda sidaan ma ahayn, sidii hore waa la isaga dhow yahay, ulajeedkeenu waxa weeye in iyadoo wax dhacayaan ayaa gacanta la is qabsanayaa, marka ugu horreysa hasoo noqoto aaminaaddii, kalsoonidii, hana laga baxo kala qob qobkan” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Talaadadii shalay, waxaa magaalada Gaalkacyo ka furmay shir go’aan looga gaarayo aayahay guud ee gobolka Mudug, waxaana ka qeybgalaya madax ka socota Puntland, Galmudug iyo qaar kamid ah waxgaradka gobolkaasi.

Goobjoog News