U bood dhigaalka

Puntland Iyo Galmudug Oo Maxaabiis Is Dhaafsadey

Sheeko:Dalka

Ganacsatada iyo waxgaradka gobolka Mudug ayaa ku guuleystay in maamullada Puntland iyo Galmudug ay is dhaafsadaan maxaabiis ay ku kala haysteen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Puntland ayaa sii deysay shaqsi ay ka haysteen dhanka Galmudug, iyadoo Galmudug iyana ay siideysay Saddex qof oo uu ku jiro ganacsade kasoo jeeeday dhanka Puntland.

Nabadoon Cali Diiriye Aloore oo kamid ah waxgaradka gobolka Mudug ayaa isaga oo la hadlay warbaahinta waxa uu sheegay in gelinkii dambe ee shalay si rasmi ah loogu guuleystay in maxaabiistaan la is dhaafsado,  islamarkaana dadaalka ugu weyn ay bixiyeen Ganacsatada Labada dhinac.

“Ganacsatada Galmudug iyo Puntland oo iyagu ka dhaxeyso shaqada, hantidana isugu darsan tahay ayaa dedaal dheer ku bixiyey sidii loo siideyn lahaa maxaabiistaan la kala haysto, wax walbo oo ay ahaadaanba waa lagu guuleystay in la isku sii daayo maxaabiista waliba iyaga oo badqaba” ayuu yiri Nabadoonka.

Gaalkacyo, waxaa ka dhacay dagaallo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Galmudug, weli waxaa magaaladaasi laga dareemayaa xiisad colaadeed, mana jirto dedaal muuqda oo lagu nabadeynayo dhinacayadan ku dagaallamaya Gaalkacyo.

Goobjoog News