U bood dhigaalka

Puntland iyo Hey’adaha Caalamiga oo Ka Shiray Wax Ka Qabashada Abaaraha

Sheeko:Dalka
 Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shir looga hadlay xaaladda Abaaraha oo ay ka qeybgaleen madaxda Hay’adaha Caalamiga ah ee ka howlgala Puntland, xilli ay dad badan ay wajahayaan xaalad abaaro oo aad u daran.
Kulankan ayaa ujeedkiisu waxaa uu ahaa ysidii dhakhso looga jawaabi lahaa xaaladda ka dhalatay abaarta, waxaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda Abaaraha, saameynta ay geysteen iyo qorsheyaasha arrintaasi lagu wajahayo oo ay ugu horeyso sidii dhakhso loogu gurman lahaa dadka abaartu saameysay.
Shirka ayaa Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka   Axmed Cilmi Cismaan Karaash, sidoo kale waxaa ka qeybgalay Guddiga Abaaraha ee heer Wasiir iyo Hay’adaha Dowliga ah ee Puntland, waxaana inta badan aad looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa xaaladda abaaraha jira.
Goobjoog News