U bood dhigaalka

Puntland: Kama aanan hor istaagin Cabdi Qeybdiid in uu ka soo dego garoonka Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in ay garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo ka hor istaageen diyaarad uu saarnaa madaxwaynaha maamulka Galmdug Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid).

Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur oo la hadlay Goobjoog FM ayaa waxa uu meesha ka saaray jiritaanka wararka sheegaya in maamulkoodu uu diiday in madaxwayne Cabdi qeybdiid uu ka dego garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo oo ku yaalla qeybta waqooyi ee uu ka taliyo maamulka Puntland.

Axmed Muuse Nuur ayaa xusay in warkaasi uu yahay mid laga faafiyay madaxda maamulka Puntland taasina waxa uu ku sheegay mid aan xaqiiq ahayn isaga oo ku baaqay in sharciga la waafajiyo garoonka la doonayo in laga sameeyo magaalada Gaalkacyo.

Warqad cabasho ah oo  ka soo baxday xafiiska madaxtooyada Galmudug oo  uu ku saxiixan yahay madaxwayne Cabdi Xasan Cawaale kuna socoto dowladda Federaal-ka, UNSOM, IGAD, Midowga Yurub, midowga Afrika iyo AMISOM ayay kaga cabteen maamulka Puntland.

Warqadda ayaa lagu sheegay in maamulka Puntland uu xanibaad ku soo rogay diyaaradihii ka soo dagi jiray garoonka cusub ee uu dhistay maamulka Galmudug.

Hadalka masuulkan ayaa yimid xilli ay kor u kacday xiisada ka dhex taagan labada maamul oo ka wada arimiya gobolka Mudug.