U bood dhigaalka

Puntland: Liiska Magacyada Musharraxiinta Kuraastii Ugu Dambaysay oo La Shaaciyey

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga doorashooyinka dadban ee dowlad goboleedka Puntland ayaa soo saaray jadwalka magacyada musharraxiinta kuraastii ugu dambaysay ee laga soo dooranayo Puntland, kuwaas oo ah lix kursi, waxaana doorashadooda lagu wadaa in ay dhacdo maalinta barri taariikhdu tahay 18-ka bisha Marso 2022-ka, 3 maalin kadib maalintii loo asteeyey soo gabagabaynta.

Waxaana barri la doonayaa kuraasta sumadoodu kala tahay HOP#073, HOP#129, HOP#191, HOP#221, HOP#1998 iyo HOP#199,Dowlad gobeedka Puntland ayaa noqonaya maamulkii sedexaad ee soo gabgabeeya jadwalka doorashooyinka Golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad,kadib Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo soo gabagabeeyey 15-kii bisha March.

1:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#073 ayaa waxaa ku tartami doona musharraxiinta kala ah ENG Maxamed Cabdullaahi Kayse iyo Cali Maxamed Axmed, waxaana kursigaan ku fadhiyey Baarlamaankii 10-aad xildhibaan Cali Axmed Jaamac Jangali.

2:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#191 ayaa waxaa ku tartami doonaa musharraxiinta kala ah ENG Cabdullaahi maxamed jaamac iyo Maxamed Cabdixamiid Hilowle, waxaa  Baarlamaankii  hore  ku fadhiyey xildhibaan Daahir. Maxamuud Muuse

3:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#198 ayaa waxaa ku tartami doonaa musharraxiinta kala ah Cisman Cali Yuusuf Cali iyo Cabdiraxmaan Ciise Maxamed, waxaana Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey xildhibaan Saleebaan Maxamuud Xaashi.

4:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#199:  ayaa waxaa ku tartami doonaa musharraxiinta kala ah Cabdiladiif Muuse Nuur iyo Luul Abshir Diiriye, kursiga waxaa Baarlamaankii 10-aad ee golaha  ku fadhisay xildhibaan  Xaawo Yuusuf Axmed.

5: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#129: ayaa waxaa ku tartami doonaa musharraxiinta kala ah Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo Sacdiyo Cabdullaahi Salaad, waxaana Baarlamaankii 10-aad ku fadhisay Sacdiya Yaasin Xaaji (Samatar)

6 Kursiga tirsigiisu yahay HOP#221: ayaa waxaa ku tartami doonaa musharraxiinta kala ah Cabdirisaaq Xasan Axmed iyo Cali Maxamed Axmed Cali  waxaana Baarlamaankii 10-aad ee golaha ku fadhiyey xildhibaan  Daa’uud Maxamed Cumar.

Kuraastaan Lixda ah ayaa waxaa lagu wadaa in maalinta barri ah ay doorashadoodu ay ka dhacdo deegaan doorashada koowaad ee Puntland ee Garowe, waxaana ay yihiin kuraastii ugu damabysay deegaan doorashada ay tahay gobolka Nugaal waxaana ay yihiin kuraastii ugu dambaysay ee xildhibaannada Puntland ku matalaya Baarlamaanka Federalka Soomaaliya.

Goobjoog News