U bood dhigaalka

Puntland: Mas’uul Hore Oo Maxkamad Lasoo Taagay

Sheeko:Dalka

Maxkamadda darajada Koowaad gobolka Nugaal ee Puntland ayaa waxaa kasoo muuqday ku xigeenkii hore ee duqa Gaalkacyo Yacquub Maxamed Cabdalla oo ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada Garoowe.

Yacquub oo shalay la maxkamadeeyay ayaa xeer ilaalntu waxay ku eedeysay in warbaahinta uu kasii daayey hadallo colaad abuuri kara mar uu ka hadlayey isbedal lagu sameeyay maamulka Gobolka Mudug.

Saciid Cabdi Muumin oo ahaa qareenka u doodaye eedeysanaha ayaa waxbo kama jiraan ku sheegay dhammaan eedaha loo soo jeediyey Yacquub, sheegayna in muwaadinka uu xaq u leeyahay in si xor ah usoo bandhigo aragtidiisa.

Dhageysi dheer kadib ayaa guddoomiyaha maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Nugaal Sheekh Cabdinuur Jaamac Xuseen waxa uu sheegay in kiiskan go’aankiisa kama dambeysta ah lagu dhawaaqi doono 12-ka bishan oo ku beegan maalinta berri ah.

Hadallada ugu weyn ee Yacquub Cali lagu haysto ayaa ah in uu sheegay in maamulka Puntland u kala eexanayo degmooyinka iyo gobollada uu maamulo.

Goobjoog News