U bood dhigaalka

Puntland: Maxkamadda Ciidamada Oo Xukunno Riddey

Sheeko:Dalka

Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa manta xukunno kala duwan ku riddey 10 qof oo dambiyo kala duwan loo haystay.

Ugu horreyn maxkamadda ayaa eedeysanayaashan kala ah:

  • Xasan Laamow Aadan oo lagu eedeeyey inuu ka tirsan yahay Daacish
  • Yaasiin Cismaan Saalax oo lagu eedeeyey inuu ka tirsan yahay Al-shabaab
  • Xasan Maxamed Cali Ibraahim oo lagu eedeeyey inuu ka tirsan yahay Al-shabaab, dhammaantood lagu xukumay dil toogasho ah.

Maxkamadda ayaa sidoo kale waxay xukun xabsi daa’in ah ku riddey Saddex kale oo iyaguna ku eedeysan ka mid ahaanshiyaha Al-shabaab, kuwaasi oo kala ah:

  • Xuseen Jeylaani Xasan
  • Cabdi Cumar Iftiin
  • Bishaar Cismaan Seed

Waxaa maxkamadda ciidamada Puntland ay sidoo kale ammartay in dhaqtar loo diro eedeysane Xasan Maxamed si loo hubiyo caafimaadka maskaxdiisa.

Maxkamadda ayaa Labo xidigle Maxamed Jaamac oo loo haystay inuu qof diley ku xukuntay Shan Sano oo xabsi ah iyo bixinta diyada marxuumkii uu diley.

Ugu dambeyn, maxkamadda ciidamada Puntland ayaa ayaa Shan Sano oo xabsi ah ku riddey Xasan C/qaadir Yuusuf, waxaana dib xorriyaddiisa loogu soo celiyey C/laahi Maxamed Axmed.

Goobjoog News