U bood dhigaalka

Puntland: Maxkamadda Racfaanka Oo Qaadeysa Kiiska Caasha Ilyaas

Sheeko:Dalka

Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in maxkamadda Racfaanka ee gobolka Nugaal ay dib u furto kiiska Caasha Ilyaas, kadib markii ay racfaankan qaateen Saddex ruux oo maxkamadda darajada Koowaad kusoo xukuntay dil toogasho ah.

Raggan la xukumay ee hadane racfaanka qaatay ayeey maxkamaddu ku heshay falkii kufsiga iyo dilkii Gaalkacyo loogu geystay Caa’isha ilyaas oo ahayd gabar aad u yar.

Lama oga inta fadhi ee ay maxkamaddan qaadan doonto, iyadoo arrintan ay dadku aad u hadal hayaan.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.

Goobjoog News