U bood dhigaalka

Puntland: Mooshin Ka Dhan Ah DP World Oo Buray

Sheeko:Dalka

Baarlamaanka Puntland ayaa u codeeyey inaan la furin mooshin ay xildhibaanno ka mid ah baarlamaankaasi ka keeneen shirkadda DP-World.

Baarlamaanka ayaa dood dheer kadib waxay u codeeyeen in mooshinka aan la furin, iyadoo guddoonka baarlamaankana uu ku dhowaaqay in mooshinkaasi uu buray.

Mooshinka Muxuu ku saabsanaa

Xildhibaannada Mooshinka keenay ayaa waxaa ay sheegeen in uu buray heshiiskii ballaarinta dekadda Boosaaso ka dib markii shirkaddii FZE ay ka soo bixi weysay heshiiskii ballaarinta iyo dhismaha dekadda Boosaaso.

Heshiiskan ayaa waxaa uu dhigay in shirkadda ay bilowdo dhismaha iyo ballaarinta dekadda marka lagu wareejiyo muddo labo sano ah gudahoodna ku dhameystirto.

Shirkadda ayaa waxaa looga fadhiyay in dhismaha dekadda ay ku Maalgeliso lacag dhan 336 Milyan oo doolar.

Shirkadda waxaa laga sugayay in Maalgelinta ay ka dhigto labo waji oo kala ah sanadka koobaad in dhismaha dekadda ay ku Maalgeliso lacag dhan 136 Milyan oo dolar halka sanadka labaadna laga sugayay in ay ku dhisto 200 Milyan oo doolar.

Xildhibaannada Mooshinka keenay ayaa waxaa ay ku doodayaan in aysan jirin ilaa iyo hadda wax dhismo iyo ballaarin ah oo ay sameysay shirkadda halka laga joogo mudadii heshiiska lagay sanad iyo bar.

Xildhibaannadan ayaa todobaad ka hor waxaa ay u gudbiyeen Mooshin ka dhan ah DP World guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

Xildhibaannada Mooshinka Keenay ayaa tiro ahaan waxaa ay gaarayeen 20 waxaa ay ku doodayeen in DP World aysan waxba ka qabanin dekadda Boosaaso.

Goobjoog News