U bood dhigaalka

Puntland Oo Abaalmarineyso Ciyaartoydii Qaaday Koobka Loo Dhigay Maamul Goboleedyada

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa lagu wadaa in uu abaalmariyo dhammaan ciyaarahannada ku ciyaaraysay magaca maamulkaasi, islamarkaana qaaday koobka loo dhigay maamul goboleedyada dalka.

Madaxweynaha maamulkaasi C/weli Maxamed Gaas oo la hadlay warbaahinta ayaa soo dhaweeyay guushii shalay kooxda Puntland ay gaartay, wuxuuna sheegay in si maamuus leh kooxdaasi loo soo dhaweyn doonaan.

Mid mid ayuu sheegay in loo abaalmarin doono ciyaaryahannada kooxda, islamarkaana ay ku mahadsan yihiin magaca ay usoo hoyeen maamulkiisa waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Aad baan ugu faraxsannahay guusha ay kooxda Puntland gaartay, waan abaalmarin donnaa, waxay ilaaliyeen sharafta Puntland, waxaana dooneynaa inaan si maamuus ah ugu soo dhaweynno dhammaan deegaananda Puntland” ayuu yiri Gaas.

Kooxda ku ciyaareysay magaca Puntland ayaa shalay ka guuleystay kooxda Jubbaland, waxaana ay hanatay koobkii loo dhigay maamul goboleeyda dalka.

Goobjoog News