U bood dhigaalka

Puntland Oo Amartay Inay Isdaawaangeliyaan Xoogsatada Ku Sugan Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Taliska amniga gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa maanta magaalada Gaalkacyo kaga dhawaaqay go’aan ay ku sheegeen inuu degdeg yahay islamarkaana dadka muruqmaalka ah ee ka shaqeysta waqooyiga Gaalkacyo ay yimaadaan saldhigga booliska.

Taliyaha booliska gobolka Mudug ee Puntland Cabdiwaaxid Cabdulle Warsame ayaa sheegay in dadka muruqmaalka ah ay isa soo diiwaangeliyaan tallaabadaasi oo uu ku sheegay inay qeyb ka tahay mid lagu sugayo ammaanka.

Waxa uu sheegay in ciidanku waayadani wadeen howlgallo lagu la dagaallamayo dadka falalka ammaan darro ka geysta waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

“Waxyaalo badan oo amniga ku saabsan ayaa muddooyinkani ka shaqeynaynay sidii aan u sugi lahayn ammaanka oo dadka aan u dhexgeli lahayn, waxaan rabnaa dadka xoogsatada ah inaan baranno oo ah dad tira badan si waxa qaldan aynu ku ogaanno” ayuu yiri taliyaha booliska Mudug ee Puntland.

Dhanka kale, taliyaha booliska ayaa sheegay in ay soo qabteen rag tuugnimo lagu eedeynayo oo hadda saldhigga waqooyiga Gaalkacyo ku xiran.

Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa dhowr jeer waxaa ka dhacayay dilal iyo qaraxyo qorsheysnaa kuwaasoo masuuliyiinta qaarkood ee Puntland ku dhaliilayeen in dadka muruqmaalka ah ay wax ka wadaan falalka amni darro.

Dadka xoogsatada ah iyo ganacsatada kale ee magaalada Gaalkacyo, waqooyigeeda ku nool ayaana weli ka hadlin amarkani cusub ee Puntland ka soo baxay.

Goobjoog News