U bood dhigaalka

Puntland Oo Ay Ka Bilaabatay Doorashada Aqalka Hoose

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya maamul goboleedka Puntland waxaa ay sheegayaan in magaalada Garoowe ay maanta ka bilaabatay doorashada aqalka hoose.

Doorashada waxaa ay ka dhaceysaa labo Jaamacadood: Jaamacadaha Bariga Afrika iyo Puntland State University, 12 kursi ayaa lagu wadaa in la doorto maanta iyo berri.

Puntland ayaa noqotay maamulkii ugu horeeyay ee bilaaba doorashada aqalka hoose ama baarlamaanka, lamana oga xiliga ay maamullada kale bilaabi doonaan.

Wararka doorashada Puntland, kala soco Goobjoog News