U bood dhigaalka

Puntland Oo Baaq u Dirtay Beelaha Ku Dagaallamaya Gobolka Mudug

Sheeko:Dalka

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa baaq nabadeed waxaa loogu diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya deegaanka Towfiiq ee gobolka Mudug.

Puntland ayaa sheegtay in walaac aad u xooggan ay ka qabto colaaddan kasoo cusboonaatay gobolka Mudug, iyadoo ka tacsiyeesay dadkii ku dhintay, kuwa ku dhaawacmayna caafimaad u rajeysay.

Sidoo kale maamulka Puntland ayaa u digey cid walbo oo ku lug leh hurinta colaaddan kasoo cusboonaatay Mudug, isaga oo ku baaqay in wax walbo lagu dhammeeyo miiska wadahadalka.

Halkaan hoose ka akhriso:

Goobjoog News