U bood dhigaalka

Puntland Oo Beenisay In Deegaannadeeda Lagu Sameyo Lacago Been Abuur Ah

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa waxbo kama jiraan ku sheegay warar mudooyinkaan dambe la isla dhexmarayay islamarkaana ku saabsan in deegaannada maamulkaasi ay yaallaan makiinado lagu daabaco lacag been abuur ah.

Wasiirka warfaafinta Puntland, Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo wareysi siiyey Goobjoog ayaa sheegay in wararkaasi ay faafiyeen dad cadow ku ah Puntland waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu sheegay wasiirka in aysan jirin lacago lagu daabaco Puntland, wuxuuna tilmaamay in hay’adaha ammaanka ay ka warqabaan guud ahaan dhaq dhaqaaqyada ka jira deegaannadooda.

Wasiir Qarjab ayaa dhanka kale mar uu soo hadal qaaday arrinta ku aadan sicir bararka iyo diidmada lacagta shilin Soomaaliga ayuu sheegay in ganacsatada iyo iyaga ay go’aan gaareen, haddii isbedal keenaanna ay u arki doonaan ganacsatada kuwo dano kale leh, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waa been lacago been abuur ah lagu sameeyo deegaannadeednna..midda diidmada lacagta waxaan ka wadahadalnay ganacsatada, hadde ciddii diidaa waxaan u aragnaa in meello kale laga soo adeegsaday” ayuu yiri wasiirka.

Lacago la sheegay in lagu daabacay deegannada Puntland ayaa dhowan soo galay gobollada dhexe ee dalka, kuwaasi oo sababay sicir barar saameeya dadka shacabka ah.

Goobjoog News