U bood dhigaalka

Puntland oo Caawa Shaacisay Kiiskii Ugu Horeyey Coronavirus

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda caafimaadka Dawlad goboleedka  Puntland ayaa caawa shhaacisay in qofkii ugu horeyey laga helay xanuunka Caoronavirus kaas oo ku sugan Puntland sida caawa ay ku dhawaaqday wasaaradda caafimaadka.

Qoraalka kooban oo ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in muwaadin laga helay xanuuka COOVID-19 uu yahay muwaadin ku sugnaa dalka oo aan ka safrin waxaana sidoo kale ay xustay inuu yahay Rag da’diisa tahay 33 jir

Guddoomiyaha Guddiga wacyi gelinta xanuunka Coronavirus ee deegannada Puntland Jamac Farax Xasan ayaa sheegay in dhowaan labo ruux oo laga shakiyey laga qaaday dheecaanno si loo baaro waxaana uu xusay  in uu ahaa mid ka mid ah xili warbaahinta uu la hadlayey waxaana uu intaas ku daray in bukaanka xaaladdiisu wanaagsan tahay.

Goobjoog News