U bood dhigaalka

Puntland oo Cabasho Ka Muujisey Dastuurka Cadaado Lagu Ansixiyey

Sheeko:Dalka

War saxaafadeed kasoo baxay maamul goboleedka Puntland ayaa lagu sheegey in ay aad oga walaacsanyihiin, kana xunyihiin qodob ku jira dastuurka dhawaan lagu ansixiyey magaalada Cadaado ee maamulka Galmudug ee lasoo dhisayo.

Qodobkani ay Puntland ka cabanayso ayaa dhigaya in xuduudaha maamulka Galmudug ay ku egyihiin gobolka Nugaal, taasina waxa ay Puntland sheegtey in ay tahay ku xadgudub heshiiskii horey u dhexmaray Puntland iyo dowladda federaalka ee dhigayay in shirka Cadaado maamul loogu dhisayo Koonfurta Mudug iyo Galgaduud.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale looga hadlay arrimaha federaalka, waxaana la sheegey in laga leexdey wadadii arrimaha federaalka, Puntland ay taasi xaq u siineyso in ay aayaheeda ka tashato.

War murtiyeedka kasoo baxay Puntland ayaa waxaa warbaahinta u akhriyey afhayeenka maamulka Quraan Jecel

Hoos Ka Akhri War Saxaafadeedka oo idil

war murtiyee 1

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

War murtiyeed 2