U bood dhigaalka

Puntland Oo Cambaareysay Xayiraadii Nabad iyo Nolol Ku Sameeyeen Madaxweyne Shariif

Sheeko:Amniga

Dowwlad gobaleedka Puntland ayaa canbaareeyay  xayiraaddii dowladda federaalka ay saartay diyaarad maanta garooka diraaradaha Aadan Cadde ka qaadi lahey Madaxweynihii hore ee dowladdii kumeel gaarka aheyd Shariif Sheekh Axmed oo ku sii jeeday magaalada Kismaayo ee caasimadda dowlad gobaleedka Jubbaland.

Warqada qoraalka ah ee ka soo baxday Puntland  ayaa lagu sheegay in dowladda gobaleedka Puntland ay si weyn uga xun tahay una canbaareyneyso xayiraadda lagu soo rogay  shacabka Jubbaland iyo Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee dalka xili uu ku sii jeeday magaalada Kismaayo, waxaana ay tilmaantay in arrintaas ay tahay mid baal marsan shariga

Halkaanka Akhriso

Goobjoog News