U bood dhigaalka

Puntland Oo Ciidamo Badan Geysay Deegaanka Garacad Ee Mudug

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa lagu soo waramayaa inuu ciidamo badan geeyay deegaanka Garacad ee gobolka Mudug, kuwaasi oo lagu xoojinayo amniga deegaankaasi iyo deegaannada hoosyimaada.

Ciidamadan la geeyay deegaanka Garacad ee Mudug ayaa isugu jira Booliis iyo Milatari, waxaana la sheegay iney si aad ah u ilaalin doonaan xeebaha deegaankaasi.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamadan ayaa sheegay in tani looga gol leeyahay sidii loo xaqiijin lahaa amniga deegaannada Puntland, loogana hortagi lahaa fal walbo oo amni darro ah.

Deegaanka Garacad ayaa sanadkii tagay ee 2016 waxaa weerar ku qaaday dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo qaarkood la qabtay iyaga oo nool.

Maamulka Puntland ayaa maalmahan dambe si aad ah u xaqiijinaya amniga deegaannada uu ka arrimiyo maamulkaasi, xilli dowladda Federaalka ay ku dhowaaqday dagaal ka dhan ah Al-shabaab.

Goobjoog News