U bood dhigaalka

Puntland Oo Dalbatay In Dib Loo Dhigo Shirka Wasaaradda Maaliyadda DF Iyo Wasaaradaha Maaliyadda Dowlad Goboleedyada

Sheeko:Dalka

Qoraal goor dhow ka soo baxay xafiiska wasaaradda maaliyadda dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa lagu codsaday in dib lo dhigo shirka la qorshenayo in magaalada Beydhabo ay ku yeeshaan wasaaradda maaliyadda xukuumada Soomaaliya iyo wasaaradaha maamul goboleedyada dalka.

Puntland ayaa waxa ay sheeegtay in maalmahan ay ku mashquulsanyihiin shir uu ku dhawaaqay in 15-bishan ay isugu yimaadeen saamileyda Puntaland madaxweyne Deni islamarkaana aysan ka soo qeyb gali Karin shirkaasi.

Qoraalkan oo uu ku saxiixnaa wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda puntland ayaa waxaa sidoo kale lagu dalbaday in muddo bil ah shirkaasi dib loo dhigo.

7-da bishan ilaa iyo 11-eeda ayaa waxaa la filayaa in magaalada Beydhabo ay shirk u yeeshaan wasaaradda maaliyadda iyo wasaaradaha maamul goboleedyada.

Halkan ka akhriso bayaanka ay soo saareen Puntland

Goobjoog News