U bood dhigaalka

Puntland Oo Dhaliishay Dowladda Federaalka

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa dowladda Federaalka ku dhaliilay in gurmadkii loo baahnaa aaney u fidin dowladda shacabka abaarta ku hayso deegaannada uu maamulkaasi ka arrimiyo.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin C/laahi Cumar ayaa sheegay in dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo aaney weli la imaan wax ka bedalan dowladdii hore ee dalka hoggaamineysay waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa uu saluugay lacagaha guddiga gurmadka abaaraha ay dhowaan gaarsiiyeen Puntland si loogu caawiyo dadka abaarta hayso, wuxuuna sheegay in aaney suuragal ahayn in deegaannada Puntland iyo kuwa kale ee dalka la isla meel dhigo.

“Dowladda Federaalka waxaan leeyahay suurtagal maahan inaaan la dhaqaalo noqonno maamullo naga dad yar, naga dhul yar oo aan lagu qixin, waxaana u arkaa iney nasiib darro tahay, waxaan horey u iri dowladda Farmaajo waxay haysaa wadadii hore ee ay dowladdii haysay, umadda waxa la idiin kugu dhiibay Koonfurta iyo bartamaha oo kaliya malahan, umadda oo dhan ayaa wada leh, waxaan ka warhayaa in la yiri Somaliland waxaa la siiyey 200 kun, Puntland waxaa la siiyey 150 kun, waxaan u arkaa in waxaasi ay cadaalad ahayn, shubanku waa uu jiraa, laakiinse dhaqaatiirta markii aan wareystay la iima xaqiijin inuu yahay daacuun, waxaana keeni kara shubanka biyo wasaq ah oo aad cabtay, raashiin aadan aqoon oo aad cuntay baa keeni karta, waxyaabo badan ayaa keeni kara” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland.

Gobollada dalka waxaa ka jirta abaar saameysay dadka iyo duunyada, mana jirto gobol dhaama gobol kale oo abaartu dhammaan waa ay wada gaartay.

Goobjoog News