U bood dhigaalka

Puntland Oo Dhaliishay Socdaalkii Kheyre Ee Waqooyiga Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegtay in Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre uu ka weecday maqaamkii uu maamulkooda ugu soo dhoweyn lahaa waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

C/raxmaan Dhabanacad, wasiirka wasaaradda oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in markii hore ay doonayeen in Ra’iisul wasaaraha usoo dhoweeyaan si hab maamuus ah, balse qorshahaasi uu meesha ka saareen Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa.

Wuxuu sheegay wasiirka, in xubno wasiirro ah loogu soo diray Gaalkacyo si ay usoo dhoweeyaan Ra’iisul wasaaraha, balse ay dhacday arrin taas ka duwan.

Markii ay la hadleen wafdiga Ra’iisul wasaaraha ayuu tilmaamay in aysan dooneyn soo dhoweyn maamuus leh, balse rabaan oo kaliya iney la hadlaan dad meel isugu yimid.

“Waxaan u diyaarinnay waxgaradkii iyo mas’uuliyiinta si uu madaxtooyada ugula hadlo, balse wuxuu la kulmay dhallinyaro diyaarsanaa, waxayna noo sheegeen ineysan dooneyn soo dhoweyn maamuus leh, balse ay rabaan iney dad banaanbaxaya la hadlaan” ayuu yiri wasiirka.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa gelinkii dambe ee shalay wuxuu u gudbay waqooyiga magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo uu kula hadlay dadweyne badan.

Goobjoog News