U bood dhigaalka

Puntland Oo Dhiseysa Xarumo Danta Guud Ah Oo Ku Burburay Qaraxyadii Ka Dhacay Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa dib u dhis ku billaabay suuqa weyn ee Xero Dayax, Isbitaalka Gaalkacyo iyo xaruntii dowladda Hoose, kuwaasi oo dhowaan burbur kasoo gaaray Labo qarax oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland C/xakiin C/laahi Camey iyo mas’uuliyiinta maamulka gobolka Mudug ayaa maanta kormeer waxay ku tageen dhammaan goobahan dayactirka uu ka socdo.

Duqa Magaalada Gaalkacyo ee Puntland Maxamuud Yaasiin Axmed Tumey oo ugu horreyn halkaasi hadal ka jeediyey ayaa ka warbixiyey dadaalka maamulkooda ugu jiro sidii loo dhisi lahaa dhammaan xarumaha danta guud ee Qaraxyadaasi ku burburay.

Wuxuu sheegay in dib u dhiska xarumahan ay gacan ka geysanayaan jaaliyada Puntland ee daafaha caalamka ku sugan.

Ugu dambeyn madaxweyne ku  xigeenka Puntland Injineer Camey ayaa bogaadiyey dib u dhiska lagu wado Suuqa iyo Isbitaalka Gaalkacyo,  wuxuuna sheegay tani ay muujineyso in qarax walbo oo Al-shabaab geystaan aanay u hakan doonin horumaarada Puntland waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ugu dambeyn madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland C/xakiin C/laahi Camey ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan deegaannada Puntland iney iska kaashadaan nabadda, sidoo kalena ka hortagaan cid walbo oo maleegeysa falal amniga ka dhan ah.

21-kii August 2016, Labo qarax oo Ismiidaamin ah ayaa ka dhacay Waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland, waxaana halkaasi ku dhintay 20 qof, iyadoo 35 kalena dhaawacmeen.

Goobjoog News