U bood dhigaalka

Puntland Oo Digniin u Dirtay Milkiilayaasha Guryaha Iyo Gaadiidka

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa digniin u diray dadka leh guryaha iyo gaadiidka, isaga oo uga digey in Al-shabaab ay gaadiidkooda ku qaadaan guryahoodana dejiyaan.

Wuxuu sheegay wasiirka in ay la wareegi doonaan gaariga ama guriga lagu qabto Al-shabaab ama walxaha qarxa waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Gurigii aan ku qabanno walxaha qarxa sidaan horeyba u sheegnay annaga ayaa la wareegi donna, sidoo kale gaarigii aan ku qabanna walxaha qarxa iyo Al-shabaab si lamid ah waan la wareegeynaa” ayuu yiri wasiirka.

Dhanka kale wasiir qarjab ayaa digniin u diray dadka ka daba yimaada gaadiidka qaraxyada lagu soo qariyo ee ay ciidamada ammaanka qabtaan, isaga oo tilmaamay in dadkaasi xitaa xabsiga la dhigi doono.

“Dadka ka daba yimaada gaadiidka lagu qabto qaraxyada ee leh annaga shaqo kuma lihin iyagana xabsiga ayaa la dhigi doonaa, sababtoo ah gaariga cidda ay u dhiibayaan iyo waxa la saaro kama war hayaan”

Ciidamada Puntland ayaa maalin shalay gacanta ku dhigay gaari nooca Soomaalida u taqaan Candha Meydlaha oo lagu soo qariyey walxaha qarxa.

Goobjoog News