U bood dhigaalka

Puntland Oo Dil Ku Xukuntay 43 Maxbuus Oo Ay Ku Qabteen Dagaalladii Ay La Galeen Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maxkamadda darajada Koowaad ee ciidanka ee Puntland ayaa xukun ku riday 43 maxbuus oo ka mid ahaa dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay deegaanno ka tirsan gobollada Mudug iyo Nugaal.

C/laahi Xirsi Cilmi Cali oo ah xeer ilaaliyaha maxkamaddaasi ayaa u sheegay warbaahinta in maanta maxkamadda la horkeenay 45 qof, Labo ka mid ah dib loo celiyey maadaama daa’doodu noqotay 16-sano, balse waxaa xukunka lagu riday 43-kale.

Waxa uu sheegay xeer ilaaliyaha inay qirteen raggan inay duulaan kusoo qaadaan deegaannada Puntland iyo shacabka ku dhaqan deegaannadaasi, sidoo kalena ay dileen 24 ka mid ah ciidanka Puntland ayna dhaawaceen 71 kale.

“Maanta waxaa la xukumay niman ka mid ah nimankii Al-shabaabka ee lasoo qabtay, 45 ayeey ahaayeen 2 ka mid ah waa la reebay maadaama da’doodu buuxin weyday, Saddex qareen baan nimankan difaacayey, waxay maxkamadda ka wada qirteen eedeyntii loo heystay, maxkamadda waxay cuksatay qodobada 184, 221, 222, 223 xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, qodobadaasi dhammaantood waxay jideenayaan cid walbo oo isku dayday inay weerar kusoo qaaddo bedasho haybadda iyo calanka Puntland inay tahay dil toogasho ah” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha.

Sidoo kale Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in raggan la xukumay ay haystaan Bil racfaan ah, islamarkaana qareenadooda ay sheegeen in racfaankaasi qaadan doonaan.

Ugu dambeyn xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in sidoo kale ay jiraan 54 maxbuus kale oo ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab ee la qabtay, islamarkaana aan maxkamad lasoo taagin maadaama ay da’doodu aad u yar tahay amaba aanay qaan gaarin.

Goobjoog News