U bood dhigaalka

Puntland oo Dowladda Ku Eedeysey In Ay Ka Leexaday Wadadii Federaalka

Sheeko:Dalka

Kulan ay yeesheen golaha wasiiradda Puntland oo uu shir guddoominayay madaxweynaha Puntland ayaa lagu eedeeyey dowladda federaalka in ay ka leexatay wadadii nidaamka federaalka, islamarkaasina la tixgalinayo aragti shaqsi ah iyo mid beeleed.

Puntland ayaa ku hanjabtay in ay gaari doonto isku tashi shacab, oo aanan la ogeyn waxa hadalkaasi uu micnihiisa noqon karo xili ay jiraan gobolo doonaya in ay dalka ka go’aan.

War saxaafadeedka oo aa arki kartaan nuqulo ka mid ah ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay dhismayaal laga rarayo xarumaha dowladda, sameynta wakaaladda fayadhowrka Puntland iyo arrimo kale.

Hadalka Puntland ayaa imanaya xili maamulka Jubbaland uu sheegey in uu xiriirkii u jaray dowladda federaalka, go’aankaasi oo ay Puntland taageertey.

Goobjoog News

 

War saxaafadeedka puntland 1

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

war saxaafadeedka puntland 2