U bood dhigaalka

Puntland oo Gacanta Ku Soo Dhigtay Rag ay La Xiriirisay Inay Ka Tirsanyihiin Al Shabaab iyo Daacish

Sheeko:Amniga

Iyada oo maalmihii la soo dhaafay ay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ay howlgallo ka wadeen ciidamada amaanka maamulka Puntland ayaa maanta waxa ay sheegeen in howlgallo kale oo ay xalay filiyeen ay ku soo qabteen rag ay la xiriiriyeen inay ka tirsanyihiin Al shabaab iyo Daacish.

Qoraal lagu daabacay boogga ciidamada amaanka Puntland ee loo soo gaabiyo PSF ayaa lagu yiri sida tan “Ciidamada Amniga Puntland PSF oo muddooyinkan dambe ka waday gudaha magaalada Bosaso hawlgallo weli socda oo lagu adkayno amniga magaalada Bosaso ayaa xalay (22 March 2020) waxay gacanta ku soo dhigeen shakhsiyaad lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin kooxaha  Al Shabaab iyo Daacish Iyo agab la doonayey in loo gudbiyo kooxahaas ee ku dhuumaalaysta buuraha Cal Madow iyo Cal Miskaat”

17kii bishan ayaa sidan oo kale howlgallo ciidanka amaanka Puntland ay ka sameeyeen waxa ay ku soo qabqabteen shaqsiyaad ay uga shakiyeen inay xiriir la leeyihiin dagaalamayaasha Al shabaab iyo Daacish ee iyagu ka dagaalama qeybo ka mid ah deegaanada maamulka Puntland.

Wali ma jirto natiijo rasmi ah oo ay soo saareen ciidamada aamaanka puntland oo ku aaddan howlgallada ay Boosaaso ka sameeyeen 17-bishan iyo xalay, howlgalladaasi oo kaliya y ku sheegeen in lagu qabtay rag looga shakiyay Al shabaab iyo Daacish.

Ururuka Daacish ayaa si weyn ugu xooggan buuraha Cal Madow iyo Cal Miskaat oo mararka qaar ay kuwada dagaalamaay dagaalamayaashaasi iyo ciidanka Puntland.

Goobjoog News