U bood dhigaalka

Puntland Oo Howlgal Ku Soo Qabatay Xubno Lagu Tuhmayo Kooxda Daacish

Sheeko:Amniga

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PSF ayaa saacadihii la soo dhafay waxa ay howlgallo ku soo qabteen xubno lagu tuhmayo ururka Daacish ee ka dagaalama qeybo ka mid ah deegaanada mamulka Puntland.

Howlgalkan qorsheysan ayaa waxa uu si gaara uga dhacay magaalada Boosaaso, waxaana saraakiisha ciidanka Puntland ay sheegeen in howlgalka ay sameeyeen ay ka soo saareen bayaan hordhac ah, waxaana qoraal ka soo baxay Taliska PSF lagu yiri sidatan.

“Ciidanka Amniga Puntland (PSF) waxay labadii habeen ee la soo dhaafay ka wadeen gudaha magaalada Bosaso hawlgallo lagu xaqiijinayo amniga,hawlgalladaas oo weli socda lagagana hortagayo falal argagixiso oo ay kooxaha cadowga ahi ku doonayaan in ay ku beegsadaan xarumaha dowladda, saldhigyada ciidamada iyo goobaha ay bulshadu ku kulanto sida masaajida iyo suuqyada ee magaalada Bosaso”

Waxaana sidoo kale qoraalkan lagu sheegay in ciidanka puntland oo kaashanaya shacabka ay howlgalkaasi ku soo qabteen xubno lagu tuhmayo dagaalamayaasha Daacish, waxaana saraakiisha ay tilmaameen in dadka la soo qabtay lagu wado baaritaano kala duwan.

“Ciidanka PSF oo kaashanaya shacabka magaalada Bosaso waxay ku soo qabteen hawlgalladan socda xubno lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin kooxaha cadowga ah,kuwaas oo baaritaano ku socdaan” ayaa lagu sii daray qoraalka ka soo baxaya taliska PSF.

Qeybo ka mid ah deegaanada Puntland ayaa waxaa ka dagaalama xubno ka tirsan Daacish, waxaana mararka qaar ay masuuliyiin kala duwan ku dilaan magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.

Goobjoog News