U bood dhigaalka

Puntland Oo Imaaraadka La Saxiixatay Mashaariic Horumarineed

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Garoowe ayaa ka warbixiyey heshiisyo ay galeen Puntland iyo Imaaraadka Carabta .

C/weli Gaas ayaa Imaaraadka ku tagay safar qaaday afar Cisho isaga oo tilmaamay in ay ka wada hadleen xiriirka u dhaxeeya Imaaraadka iyo Puntland waxaa uuna yiri.

“Danta ugu weyn waxay aheyd in la sii wado xiriirka ee ka dhaxeeya Puntland iyo Imaaraadka Carabta, waxaan u gudbinay codsi ah in ay naga taageeraan Mashaariic kale oo la xiriirta dhinacyada Caafimaadka, Waxbarashada iyo Biyaha “.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in safarkiisa uusan salka ku heynin Khilaaf kala dhaxeeya dowladda Dhexe ee Soomaaliya mar uu arrintaasi ka hadlayey waxaa uu yiri.

“Wanaag badan ayaa naga dhaxeeya annaga iyo dowladda Federaalka ah, wax Khilaaf ah oo naga dhaxeeyo ma jiraan Madaxda dalka ugu sarreyso saaxiibbo ayaan nahay, balse aniga waxaan ahay madaxweynaha Puntland madaxweyne Soomaaliyeed maahi”.

C/weli Gaas ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa dalka Imaaraadka Carabta, halkaasi oo uu ku tagay booqasho qaadatay Afar Cisho.

Goobjoog News