U bood dhigaalka

Puntland Oo Is Xalisay

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid C/laahi Dani oo kulan wadajir ah la yeeshay goleyaasha kala duwan ee maamulkaasi ayaa ku dhowaaqay in lasoo afjaray khilaafkii ka dhexjiray Puntland, islamarkaana la xalliyey wax walbo oo jiray.

Wuxuu sheegay in ku dhowaad Sanad uu khilaaf ka dhexjiray maamulka Puntland, balse ugu dambeyn lasoo gabagabeeyey wax walbo oo la isku hayey.

Dani ayaa tilmaamay in Odoyaasha dhaqanka ay aad uga shaqeeyeen sidii meel looga soo wadajeedsan lahaa, loona gaaro horumar iyo isfaham.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay wixii hadda ka dambeeya isla-xisaabtan dowladeed, loona gudbo faham dowladnimo iyo kala dambeyn.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Puntland ayaa ku baaqay in la ilaaliyo midnimada Puntland, khilaafaadkana looga gudbo wadahadal iyo is qancin.

Goobjoog News