U bood dhigaalka

Puntland Oo Ka Digtey Sii Wadista Xaalufka Lagu Hayo Dhirta

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa ka digay in lasii wado xaalufka lagu hayo dhirta kadib markii ay soo shaac baxeen warar sheegaya in taasi hoos u dhac ballaaran ku keentay wax soo saarka dalaggii beeraha.

Wasaaradda Beeraha Maamulka Puntland ayaa billowday dadaal badan oo ku saabsan sidii dadka loogu digi lahaa loogana wacyigelin lahaa in aanay dhirtu jarin.

Faarax Cali Cabdi oo ah wasiir ku xigeenka wasaarddaasi oo la hadlaY Goobjoog News ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen gaadiid badan oo waday dhuxul, iyo dhir la jaray, dadkii watayna ay ganaaxeen, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Meello badan baan socod ku galnay, waxaan qabannay gaadiid dhuxul laga soo buuxiyey, kuwo dhirtii la jaray waday waan ganaaxnay dadkii waday, sidaa darteed annaga raali kama nihin in dhirta la xaalufiyo sababtuna waxay tahay beerihii bixi lahaa ayeey tani saameyn ku yeelatay,  waana waxyaaba soo dedejiya abaarta” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka.

Puntland ayaa xoojisay wacyigelinta ku aadan in aan dhuxul laga shidin dhirta maadaama ay aad usoo bateen dadka xaalufka ku haya dhirta.

Goobjoog News