U bood dhigaalka

Puntland Oo Ka Hor Timid In Dowladda Federaalka Ay Ciidan Geyso Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa ka hor yimid in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ciidamo geyso magaalada Gaalkacyo si ay u kala dhexgalaan dhinacyada ku dagaallamaya magaaladaasi.

Wasiirka Deegaanka ee Maamulka Puntland Cali C/llaahi Warsame oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in wasiir Maareeye uu ku dhowaaqo in ciidan ka tirsan dowladda Federaalka la geeyo Gaalkacyo.

Waxa uu tilmaamay Mr. Warsame in taasi ay caddeynayso sida ay dowladda Soomaaliya qeyb uga tahay dagaallada ka socda Gaalkacyo.

Wuxuu sheegay in dowladda Federaalka ay marar badan taageero siisey ciidamada Galmudug waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Dowladda Federaalka waxay qeyb ka ahayd, horayna uga qeybqaadatay colaadihii hore ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo, waxayna hadda ku baaqday in gurmad hor leh oo lagu sii xoojinayo colaaddaasi usoo dirto Gaalkacyo, waxaana marqaati u ah arrintaasi warkii uu jeediyey wasiirka warfaafinta Maareeye, waxaan leenahay warkii uu sii daayey maareeey wuxuu ahaa mid aad looga xumaado, xaqiiqda ka fog dhaawacna u geysanaya Soomaalinimada, wuxuu ku guidbinayey dhambaaal ahaa in gurmadkii dowladda Federaalka siin jirtay huwanta kusoo duuleysa Puntland uu si cad u sheegay inuu halkiisa kasii socdo” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka hadlay warbaahinta dowladda ayaa ku baaqay in ciidan ka socda xoogga dalka Soomaaaliyeed la geeyo magaalada Gaalkacyo si ay u kala dhex galaan dhinacyada isku haya magaaladaasi.

Goobjoog News