U bood dhigaalka

Puntland oo Ka Hortimid Sharci uu Farmaajo Saxiixay

Sheeko:Baarlamaanka

Dowlad gobaleedka Puntland ayaa maanta ka hortimid sharciga Shidaalka dalka oo dhowaan uu saxiixay Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo.

Warsaxaafadeed ka soo baxay dowlad gobaleedka Puntland ayaa lugu sheegay in diyaarinta sharcigaan aan loo marin wadadii saxda aheyd, iyaga oo carabka ku dhuftay inuu yahay mid aan loo dhameyn oo ka hor imaanaya qodabada qaar ee dastuurka d=federaalka dalka.

Waxaana warsaxaafadeedka lagu xusay in dowlad gobaleedka Puntland aysan aqbali Karin sharci shidaal oo ka soo horjeeda dastuurka dalka sida qodobada qaar 4-aad,44-aad 50-aad, 51-aad, 86-aad iyo 142-aad ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay dowlad gobaleedka Puntland.

Halkaan Akhriso

Goobjoog News