U bood dhigaalka

Puntland oo Ka Warbixisay Doomo Kaluumeysi Sharci Darro ah Wadey oo La Qabtay

Sheeko:Amniga

Wasiirka wasaaradda kaluumeysiga iyo kheyraadka ee Puntland Faarax Maxamuud Cawasah ayaa sheegay in ay qabteen Doomo kaluumeysi sharci darro ahi ka waday Badda, waxaa uuna tilmaamay wasiirku in ay dhisi doonaan iskaashi kaluumeysi si wax looga qabto dadka sida aan sharciga aheyn uga faa’ideysta kheyraadka badda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa xusay ilaa iyo hadda in Puntland ay gacanta ku soo dhigtay dhowr Doonyood oo ku eedeysan kaluumeysi shaci darro ah, waxaana uu yir” Muddadii hadda aan joognay waxaan soo qabanay oo aan ganaaxnay ilaa 7 doon oo aan goobo kala duwan aan ku soo qabanay, qaarkood xeebta ayey aad ugu soo dhawaadeen, taas sharciga ma ogol yahay in xeebaha ay ka kaluumeysaan dadka deegaanka oo doomaha yar yar ay kaga  kaluumeysan karaan mar haddii shabaak yahooda ay ka jiiraan oo ay aad ugu soo dhawaadan, kuwana shatti la’aan ayeey ku kaluumeysanaayeen”

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in ay dhisaan iskaashatada kaluumeysiga ee deegaanada ku xeeran badda ee Puntland, asaga oo ku macneeyay u jeedku inuu yahay in is kaashatadu ilaaliyaan kheyraadka deegaanka, waxaana uu yiri “ wasaaraddu waxaa horay ay u soo dhistay afar iskaashato oo kala ah Boosaso, Eyl, Beyla, iyo Garacad, tii shanaad waxaa noqoneysa Baargaal oo hadda doorashadeeda ay dhaceyso, ujeedkuna waxaa waaye in dadkii dan yarta ahaa doomaha iska lahaa guddi u sii shaqeeyo kaluunkii soo qabta ammaankana wax ka ilaaliya”

Dhanka kale wasiirka kaluumeysiga dowlad gobaleedka Puntland Faarax Maxamuud Cawaashe, ayaa ka warbixiyay shatiyada wasaaraddu ay siiso Doomaha shisheeye ee kaluumeysta oo cabasho badan ay ka keeneen kaluumeystada yaryar,waxaana uu yiri” Shattiga wasaaraddu ay bixiso waa mid sharciyeeysan waxaa uuna soo maraa wasaaradda maaliyadda oona soo daabacda, annagu waan codsannaa tiro number go’an, doontu marka ay timaado shaqaalaha wasaaradda ayaa fuula codsi ayeey marka hore soo qorataa oo waa ay timaadaa waxaa la hubiyaa tankeeda waxaa la hubiyaa shabaagada nuuc Loo ogol yahay mayahay waxaa la hubiyaa nuuca ay rabto in ay u kaluunmeysato markaas ayaa la’ siiyaa nidaamka kaluumeysiga iyo xeerrka wasaaradda”

Ugu danbey wasiirka ayaa sheegay in waasarad ahaan ay ka go’an tahay in iskaashaqada heer gegmo ilaa heer gobol la gaarsiiyo si ugu dabnbeyn loo helo iskaashato ay midaysan yihiin dhammaan kaluumeysatada reer Puntiland waxaana uu yiri” Hadda waxaan dhiseynaa iskaashato heer degmo afar ayaan horay u soo dhisnay Baargaal ayaa shank u ah ka dib waxaan sameyn doonaa heer gobal ka dibna waxaan rabnaa mid guud oo Puntland, daladda iskaashada ee Puntland.

Goobjoog News