U bood dhigaalka

Puntland oo Karaantiishay Shaqsiyaad Looga Shakiyay Xanuunka COVID-19

Sheeko:Dalka

Guddiga ka hortagga xanuunka Coronavirus ee maamulka Puntland ayaa waxa aay shaaciyen inay karaantiil ku sameeyeen shaqsiyaad looga shakiyay inay qabaan caabuqa safmarka ah ee COVID-19 oo deegaannada Puntland laga xaqiijiyay kiiskii ugu horeeyay halka 21-kii bishan uu deegaannada maamulkaasi ku geeriyooday shaqsi looga shakisanaa cudurkan.

Guddiga ayaa sheegay in dadka looga shakiyay Coronavirus oo ay xalay karaantiileen ay gaarayaan ilaa iyo 7-ruux, waxaana guddigu uu intaas ku daray in dadkaa ay karaantiileen laga qaaday baaritaan islamarkaana ay sugayaan jawaabahooda si look ala ogaado in ay shaqsiyaadkaasi qabaan xanuunka iyo in kale.

Dhanka kale bulshada ku dhaqan deegaannada Puntland ayaa waxaa loogu baaqay inaysan qarsan xanuunkaan islamarkaana qofkii isku arka calaamadaha uu la xiriiro bahda caafimaadka si loola tacaalo xaaladdiisa caafimaad.

Guud ahaan Soomaaliya, COVID-19 ayaa saameyn xooggan ku yeeshay iyada oo haatan tirade guud ee dalka laga diiwaan galiyay ay kor u dhaafayso 300 oo kiis.

Goobjoog News