U bood dhigaalka

Tirada Dadka Ku Nool Gobalada Puntland Oo La Shaaciyay

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa kasoo horjeestay tirakoob shalay ay soo saartay dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ku saabsan tirada dadka Soomaaliyeed.

Wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ee Puntland Cali Axmed Faatax oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay in tirakoobkaasi aanu ahayn mid saxan, islamarkaana lagu degdegay baahintiisa.

Waxa uu tilmaamay wasiirka in horay inta aan tiradaasi la baahin uu kala hadlay wasaaradda qorsheynta xukuumadda Soomaaliya, si loo hubiyo tirada rasmig ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

Marka laga soo tago tirada guud ee dadka Soomaaliyeed ayuu wasiirka sheegay in dadka ku dhaqan deegaanada Puntland laga been abuurtay, kana badan yihiin inta lagu sheegay.

Wasiir Faatax ayaa tirada uu soo bandhigay waxaa ku jira Seddax gobal oo maamulka Puntland ka arrimin, sida Sool, Sanaag Togdheer iyo sidoo kale qeyb ka mid ah gobalka Mudug.

Dadka ku dhaqan gobalada Puntland ayuu ku sheegay 4,284,633. Tiradaasna waxa uu tilmaamay in ay tahay midda saxda ah.

Halkaan hoose ka Akhriso tira koobka la sameeyay:-

Shaxda

Mawduucyada:Gobollada