U bood dhigaalka

Puntland oo ku baaqday in la xaliyo khilaafka madaxda sare ee dowladda Soomaaliya (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

War kasoo baxay maamulka Puntland ayaa loogu baaqay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh in wada hadal ay ku xaliyaan khilaafka dhexdooda ah.

Wasiirka Warfaafinta maamulkaasi C/weli Xirsi Indho-guran ayaa saxaafadda u akhriyay warsaxaafadeed kasoo baxay kulan ay yeesheen golaha wasiirada maamulkaasi, kaa oo looga hadlay arimaha khilaafka madaxda.

Khilaafyada sidaan oo kale ah ayeey ku sheegeen inuu yahay midka ragaadiyay in Soomaaliya ay gaarto dowlad taam ah oo dalka iyo dadka wax u qabata waa sida War-saxaafadeedka lagu sheegay.

Halkaan hoose ka dhageeyso Wasiirka Warfaafinta Puntland oo akhrinaya War-saxaafadeedka.

Halkaan hoose ka Akhriso qodobada ay soo saareen Wasiirada Puntland.

01

02

Goobjoog News